Taliyihii Hore ee Ciidanka Loogu Yeero Asluubta DF oo Farriin Hanjabaad ah u Diray Aadan Madoobe.
Mahad Cabdiraxmaan oo loo garan ogyahay Taliye Shub ahaana Taliyihii hore ee ciidanka loogu yeero Asluubta ee Dowladda Fedaraalka ayaa diray, farriin hanjabaad ah oo ku socota Aadan Madoobe oo ah Hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur Galbeed.
Mahad ayaa sheegay in Aadan Madoobe uusan nabad ku dhameysan doonin xilka madaxtinimada ee maamulka la baxay Koonfir Galbeed, isagoo ku eedeeyay in markii horaba uusan nabad ku imaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Aadan Madoobe iyo Xasan Sheekh ay ku hishiiyeen sidii Baarlamaanka maamulka la baxay Koonfur Galbeed looga heli lahaa 77 xubnood oo u codeeya Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Wuxuu intaas ku daray in Aadan Madoobe uu ahaa ninkii ka dambeeyay xarigii loogu geystay magaalada Muqdisho, taasna uusan kaga hari doonin oo ay weerarro joogta ah ka geysan doonaan Baydhabo.
Marba marka ka dambeysa waxaa sii xoogeysanaya dagaalka u dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo iyo maleeshiyaadka uu wato Laftagareen, waxaana marar badan gudaha magaaladaas iyo duleedkeeda ka dhacay weerarro ay geysteen maleeshiyaadka Laftagareen.