Taliyaha EUCOM oo Shaaca ka Qaaday in Mareykanku Uusan Awood Buuxda u Lahayn Difaaca Yahuuda.

0

Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Yurub (EUCOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hadda haysan awood ku filan oo ay si buuxda ugu difaacaan Yahuuda haddii uu sii xoogeysto dagaalka ka oogan dhulalka Muslimiinta ee ay reergalbeedku u bixiyeen Bariga Dhexe, Sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay wajahayaan culays isa soo taraya, maadaama ay waqti isku mid ah ku hawlan yihiin taageerada Yahuuda, dagaalka Ukraine iyo wuxuu ugu yeeray waajibaadyo kale oo amni oo ka jira gobollo kala duwan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaaca ay reergalbeedku ka qabaan suurtagalnimada in xiisadaha gobolka ay isu beddelaan dagaal ballaaran, taas oo cadaadis dheeraad ah saari karta awoodda milatari ee Mareykanka.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo awoodda difaaca iyo kaydka hubka, si Mareykanku uga jawaabi karo caqabadaha amni ee isa soo taraya.

Hadalka taliyahaan ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee ka jira Washington ee ku aaddan sida loo maareyn karo dhowr furimood oo amni oo dunida uga furan Mareykanka iyo xulufadiisa

Leave A Reply

Your email address will not be published.