Maxaan Kala Soconnaa Duullaanka Diineed ee ay Wajahayaan Muslimiinta Ku Nool Nigeria? [WARBIXIN]]

0

Warbixin la daabacay 29-kii bishii lasoo dhaafay ee Luulyo 2026 ayaa iftiimisay olole dimeed lagu gaalaysiinayo qaar ka mid ah Muslimiinta qabiilka Fulani ee ku nool gobolka Palatuu ee dalka Nigeria. Warbixintu waxay soo bandhigtay dhacdooyinka dhalinyaro dhowr ah oo l sheegay inay qaateen diinta Kiristaanka, kadib markii ay xiriir la sameeyeen kaniisado laga sameeyay deegaanka.

Maqaalkan, ayaa ku salaysan booqasho uu qofka qoray ku tagtay dalka Nigeria iyada oo la socota hay’ad lagu magacaabo Christian Freedom International, oo ah urur Kiristaan ah oo sheegta inuu ka shaqeeyo gargaarka bani’aadannimada iyo taageerada kaniisadaha. Qoraagu wuxuu muujiyay jiritaanka iskudayo lagu bartilmaameedsanayo Muslimiinta ku nool deegaannada ay ka jiraan colaadaha daran.

Sida lagu sheegay warbixinta, kooxahan kiristanka ah ayaa adeegsanaya xeelado kala duwan si ay ula xiriiraan dhalinyarada Muslimiinta. Hababkaas waxaa ka mid ah dhisidda xiriir shakhsiyeed, ka faa’iidaysiga su’aalaha iyo shakiga la xiriira arrimaha diinta, la kulanka dhalinyarada goobaha shaqada, isticmaalka xiriirrada bulshada iyo sidoo kale bixinta taageero nafsiyeed iyo hagitaan ay fuliyaan kaniisado iyo iskuullo kiristaan ah.

Warbixintu waxay soo bandhigaysaa qisada wiil dhalinyaro ah oo loogu magacaabi jiray “Maxamed”. Wiilkan ayaa ku soo barbaaray qoys Muslim ah, wuxuuna wax ku bartay dugsi Islaami ah. Muddo kadib ayuu bilaabay inuu isweydiiyo su’aalo la xiriira waxbarashadiisii diineed, taas oo la sheegay inay noqotay bilowga isbeddel ku yimid fikirkiisa.

Sida warbixintu sheegtay, xiriir uu la yeeshay kooxo Kiristaan ah ayaa u horseeday inuu barto diinta Kiristaanka. Intaas kadib waxaa loo gudbiyey baadari Kiristaan ah oo sii waday tashkiilintiisa ugu dambeyntiina wuxuu qaatay diinta Kiristaanka. Warbixintu waxay tilmaamayaa in kooxaha kiristanka ah ay ka faa’iidaysteen marxalad uu wiilkan ku jiray  su’aallo iyo shaki diimeed. Xiriirkii uu markii hore la lahaa saaxiibadiis ayaa la sheegay inuu isu beddelay kulan uu la yeeshay hoggaamiye diimeed Kiristaan ah, taas oo markii dambe ku dhammaatay inuu ku biiro machad diimeed oo Kiristaan ah.

Warbixintu waxay sidoo kale ku doodaysaa in go’aankii Maxamed ee uu ku qaatay diinta Kiristaanka uu sababay cadaadis xooggan oo uga yimid qoyskiisa iyo bulshada uu ka dhex noolaa. wuxuu la kulmay hanjabaado culus, waxuuna sheegay in uu ka baxsaday isku day lagu doonayay in lagu dilo. Ugu dambeyn wuxuu ku biiray dugsi lagu barto Baybalka.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in hawlaha ay ka hadlayso aysan ku ekaan kaliya sidii shaqsiyaad loogu qancin lahaa inay qaataan diinta Kiristaanka, balse ay sidoo kale u gudbaan marxalad lagu diyaarinayo dadkaas si ay iyaguna qayb uga noqdaan fidinta diinta kiristaanka. Sida lagu sheegay maqaalka, dhamaan dhalinyarada la kiristaameeyay waxay ku biireen machad lagu barto Baybalka, halkaas oo loogu tababarayo inay mustaqbalka noqdaan baadariyaal ka hawlgala deegaanno kale.

Warbixintu waxay midaas ku tilmaantay mid ka mid ah yoolalka ugu waaweyn ee kamid ah olalaha Kiristaamaynta ah, maadaama qofkii markii hore loo gudbiyey fariintan uu ugu dambayn isu beddelayo qof ka qayb qaata faafinteeda. Sida warbixintu sheegtay, ujeeddadu kuma koobna oo keliya beddelidda diinta qofka, balse waxaa la siiyaa tababar iyo aqoon uu ugu gudbin karo dadka kale ee ka soo jeeda isla deegaanka, isaga oo ka faa’iidaysanaya aqoonta uu u leeyahay luqadda iyo bulshada uu ka dhashay.

Sida lagu sheegay warbixinta, ololaha gaalaysiinta ah ee ay kooxaha Kiristaanka ah ka wadaan dalka Nayjeeriya ayaa sababay in qaar ka mid ah dhalinyarada Muslimiinta ah ee diinkooda ka ridoobay ay ka fogaadeen qoysaskoodii iyo bulshooyinkoodii, iyaga oo u guuray deegaanno kale cabsi ay ka qabaan falcelinta kaga timaada dadka muslimiinta ah.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay ku salaysan tahay aragtida iyo xogta ay soo bandhigeen hay’ad u doodo xuquuqda dadka Kiristaanka ah, waxaana jiri kara wadiiqooyin kuwaan ka gadisan oo ay adeegsadaan gaalaysiinta dadka muslimiinta, isla markaana ay qariyaan si aan loogu baraarugin, hase ahaatee bulshada muslimka ah ee ku nool dalka Nayjeeriya ayaa kala hortagay dagaal ay iskaga difaacayaan qorshaha kaniisadahan.

Dhanka kale, maqaalka ayaa sawir ka bixinaya hababka ay qaar ka mid ah kooxaha baadariyaashu u adeegsadaan faafinta fariintooda. Waxaa ka mid ah dhisidda xiriirro shakhsiyeed, ka faa’iidaysiga su’aalaha iyo shakiga diimeed, la macaamilka dhalinyarada, kadibna in qofka loo gudbiyo kaniisado iyo xarumo waxbarasho oo Kiristaan ah, wadiiqadan ayayna ka fuliyeen dalal badan oo Islaami ah.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in hawlahaasi ay ku socdaan qorshe tartiib tartiib ah oo ka bilowda xiriir iyo kasbashada kalsoonida qofka, una gudba soo bandhigista fikrado diimeed, kadibna ku dhammaada in qofka lagu daro hay’ado diimeed, isla markaana mararka qaar loo diyaariyo inuu isaguna qayb ka noqdo fidinta Kiristaanka. Sida uu sheegay baaraha mawduucan, waxaa kooxahan wada kiristaamaynta lagu maalgaliyaa magaca gargaarka bani’aadannimo, iyada oo laisku muujinayo kooxo samafal ah oo taageero u fidinaya dadka.

Maqaalku wuxuu sidoo kale xusay in xaaladaha adag ee amni, saboolnimada iyo khilaafaadka ka jira qaybo badan oo kamid ah Nigeria ah ay abuureen jawi ay si fudud uga faa’iidaysan karaan ururrada kala duwan ee Kiristaanka. Sida uu  qoraagu sheegay, qaar ka mid ah ururrada Kiristaanka ayaa u arka xaaladdan fursad ay ku gaaraan bulshada Muslimiinta, iyaga oo adeegsanaya xiriirrada bulshada, adeegyada gargaarka, waxbarashada iyo wada-xiriirka tooska ah.

Gebogebadii, qormada waxay diiradda saaraysaa in arrinta ugu weyn ee uu iftiiminayo aysan ahayn oo keliya jiritaanka kiisaska shaqsiyaad qaatay Kiristaanka, balse ay tahay habka ay kooxaha baadariyaasha ah u adeegsadaan soo jiidashada qaar ka mid ah Muslimiinta iyo natiijooyinka ay sheeganayaan inay ka gaareen.

Wuxuu sidoo kale banaanka keenay in qaar ka mid ah hay’adaha gala Nigeria iyaga oo ku shaqeynaya magaca gargaarka bani’aadannimada ay dhab ahaantii xiriir la leeyihiin hawlaha ay wadaan baadariyaasha kaniisadaha reer galbeedka, isla markaana ay ka faa’iidaystaan baahida iyo duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin bulshada Muslimiinta ah. Iyada oo taas laga duulayo, maqaalka ayaa ku soo gabagabeynaya in culimada Muslimiinta iyo hay’adaha samafalka Islaamiga ah ay saaran tahay mas’uuliyad diimeed iyo mid bulsho, si ay u gaaraan bulshooyinka ay saameeyeen saboolnimada, aqoon la’aanta iyo ololayaasha kiristaamaynta ah, ugana jawaabaan baahiyahooda dhinacyada waxbarashada, gargaarka iyo wacyigelinta.

Leave A Reply

Your email address will not be published.