Sarkaal Ciidan oo Ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo.

0

Dabley hubeesan ayaa waxa ay saacadihii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ku dilay, sarkaal ciidan oo ka tirsan maamulka la baxay Puntland.

Sargaalkaan la dilay ayaa waxa magaciisa lagu sheegey Cabdiraxmaan Jaamac Muuse (Dhamuuke), wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha ciidamada gobolka Mudug ee qeybta taabacsan maamulka la baxay Puntland.

Wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in sarkaalkaan lagu dilay goob u dhaw saldhig loo yaqaano Miir ee degmada Gaalkacyo xilli uu halkaasi marayay.

Illaa iyo hadda la ma aqoonsan cidda ay yihiin dableydaan qaarijisay sarkaalkaan ka tirsan ciidamada maamulka la baxay Puntland, si gaar ahna uga tirsanaa saraakiisha Puntland ee Gaalkacyo.

Dableyda dilka geysatay ayaa si degdeg uga baxsaday goobta, iyadoon ciidamada ammaanka iyo Booliska Puntland ay ku guuldarreysteen in ay gacanta ku soo dhigaan.

Dilka sarkaalkaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ay sii xumaanetso xaaladda amni ee ka jirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isla markaan uu sii xoogesanayo khilaafka udhaxeeeyo maamulka la baxay Puntland iyo Dowladda Fedaraalka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.