Yoweri Museveni: Soomaaliya Waxaan u Joognaa Duullaan ka Dhan ah Islaamka.
Magaalada Kambaala ee caasimada Dalka Ugandha oo dhawaan lagu qabtay shir looga hadlayay masiirka Ciidamada shisheeye ee duulaanka ku jooga Soomaaliya, ayaa waxaa khudbad ka jeediyay qaar kamida madawaynayaasha ay wadamadoodu duulaanka ku joogaa Soomaaliya.
Yuweeri Musafani oo ah madaxwaynaha Ugandha ayaa kalmad uu kulanka ka jeediyay kusoo hadal qaaday ujeededa rasmiga ah ee ay ciidamadiisu duulaanka ugu joogaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay dalka usoo galeen xaqiijinta dano gaar ah oo ay iyagu leeyihiin.
Musafani oo marar dhowr ah horay usheegay in Soomaaliya ay u joogaan duulaan Islaam nacayb ah ayaa mar kale cadeeyay in ujeedada ay dalka u yimaadeen ay ahayd in ay meesha ka saaraan cid walba oo sheegata astaan ka turjumaysa diinta Islaamka ama isku dayda inay bulshada kusoo rogto nidaam Islaami ah, isaga oo waliba carabka ku adkeeyay in dulaankaas ay qaadeen iyaga oo aan Soomaaliya la lahayn wax xuduud ah.
Wuxuu sidoo kale Musafani kalmadiisa ku sheegay in sababaha ku kalifay duulaanka Soomaaliya ay kamid ahaayeen hiilo ay siinayeen ciidamadii Itoobiya ee lagu jabiyay dalka, waxayna Ugandha dalka soo gashay sanadkii 2007-dii xilligaas oo dhiig-bax joogto ah uu ku socday askartii Xabashida ee Itoobiya.
Ku dhawaad labaatan sano oo ay Ugandha dalka ku joogtay duulaan Diin la dirir ah, waxay maanta wajahaysaa guuldaro kasoo gaartay furimaha dagaalka, iyada oo aan midna ka xaqiijin mabaadiidii ay sheegtay inay usoo duushay, waxayna xiligan ciidamadisu qayb ka yihiin duulaanka AUSSOM oo ku jira maraaxil kala guur ah, kadib markii ay waayeen dhaqaalihii reer galbeedka ee taban-taabin jiray dagaalka.