Ku Dhawaad 30 Ruux oo ku Shahiiday Weeraro ay Maalmihii Lasoo Dhaafay Yahuuddu ka fulisay Qazza.
Tan iyo maalintii Jimcaha wuxuu maamulka Yahuudda duqeymo laayaan ah ka waday xaafado katirsan magaalada Qazza.
Jimcihii waxay Yahuuddu marinka Qazza ku dishay ugu yaraan laba ruux oo Falastiiniyiin ah, halka sabtidiina ay duqeymo halkaas ka dhacay ku shahiideen 8 ruux.
Shalay oo kaloya waxay Yahuuddu magaalada Qazza ku dishay 18 ruux, taas oo wadarta guud ee shuhadada duqeymaha saddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhigeysa 28 ruux.