Iiraan oo Dil Toogasho ah ku Fulisay Xubno ay ku Eedeysay la Shaqeynta Yahuudda.

0

Dowladda Iiraan ayaa waxa ay maanta oo Isniin ah dil toogasho ah ku fulisay, laba ruux oo ay ku eedeeysay iney jawaasiis u ahaayeen sirdoonka Yahuudda ee Muusaad.

Labadaan ruux ee la toogtay ayay Tehran ku eedeysay, iney sirdoonka Sahaayinada ugudbiyeen xogo xasaasi ah oo la xiriira farriisimo millatari iyo kuwa amni oo ay Iiraan leedahay.

Iiraan ma aysan shaacin xilliga la soo qabtay raggaan, balse waxay xustay in howlaha basaasnimo ee ay ku eedeysay ay ku kaceen, intii uu socday dagaalkii ay kula jirtay Yahuudda iyo Mareykanka ee billowday 28-kii Febraayo ee lasoo dhaafay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.