Maamulka Mustafa Cagjar oo Xabsia Dhigay Ku Dhawaad 50 Xubnood oo kamid ah Gudiga Ganacsatada Jigjiga.

Maamulka ay dowladda Itoobiya ka dhisatay Dhulka Soomaali Galbeed ayaa ganacsatada magaalada Jigjiga kula kacayaa falal tacaddi ah, isaga oo ku qasbaya iney aqbalaan canshuuro baad ah oo uu dhawaan ku soo rogay ganacsiga magaalada Jigjiga oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dhulalka Soomaalida.
Sida ay tebineyso warbaahinta waxay wararku tilmaamayaan in maamulka Jigjiga uu billaabay inuu xabsiyada dhigo guddiga ganacsatada ee magaalada Jigjiga, kadib markii ay si adag uga horyimaadeen go’aan cusub oo ku saabsan dakhliga magaalada.
In ka badan 45 xubnood oo kamid ah guddiga ganacsatada ayey warbaahinta tebineysaa in la xiray, kuwaas oo laga soo qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Jigjiga, waxaana dhammaantood la geeyay xabsi ku yaalla xero ku taalla magaalada Jigjiga.
Tani ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli ay sii Kordheyso dhibaatada uu maamulka taabacsan dowladda Itoobiya ku hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaal Galbeed, wuxuuna mar kasta maamulka Mustafa Cagjar la yimaada mashruuc cusub oo ay u soo dhiibtay xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.