Xuutiyiinta Yemen oo Sheegtay Weerar Ay Ku Qaadeen Garoon Diyaaradeed oo Ku Yaalla Sacuudiga.

0

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa Sheegtay in ay fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday goob ay sheegeen inay ahayd bartilmaameed xasaasi ah oo ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Najraan ee koonfurta Sacuudiga.

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Yaxye Sariic, ayaa war uu ku baahiyay bartiisa Internetka ku sheegay in weerarka loo adeegsaday diyaarad daroon ah, isla markaana uu si sax ah u gaaray bartilmaameedkii loogu talagalay. Hase yeeshee, ma uusan shaacin muhiimadda goobta la weeraray.

Yaxya Sariic wuxuu sheegay in weerarku uu jawaab u yahay xadgudubka uu maamulka reer Aala Sucuud ku sameeyeen hawada gobollada Sacda iyo Xajjah ee Yemen, isaga oo carrabka ku adkeeyay in falalka noocaas ah aysan noqon doonin jawaab la’aan, sida uu hadalka u dhigay.

Weerarkan ayaa imanaya xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa Xuutiyiinta iyo reer Aala Sacuud, kadib markii kooxdaasi ay horay ugu dhawaaqday inay go’doomin dhinaca badda ah ku soo rogtay Sacuudiga, isla markaana ay weerarro ku qaaday maraakiib la xiriiraan reer Aala Sucuud.

Yemen ayaa weli wajahaysa xaalad amni oo cakiran, inkastoo tan iyo bishii Abriil 2022 ay jirtay xasillooni u muuqata mid qayb ahaan hoos u dhigtay dagaallada. Si kastaba ha ahaatee, iska horimaadyo goos-goos ah ayaa weli ka dhacaya furimaha dagaalka ee u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta, kuwaas oo tan iyo Sebtembar 2014-kii gacanta ku haya caasimadda Sanca iyo deegaanno kale oo badan.

Tan iyo bilowgii bishii Luulyo ee sanadkan, colaadda Yemen ayaa mar kale sii xoogeysatay, iyadoo furimo dhowr ah laga soo wariyay dagaalladii ugu xooganaa tan iyo 2022, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay.

Bishii Luulyo, Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay tan iyo 2022 ku dhawaaqay inuu duqeymo ka fuliyay fariisimo ay leeyihiin Xuutiyiinta, halka Xuutiyiintu ay iyaguna sheegteen inay weerarro ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Sacuudiga.

Leave A Reply

Your email address will not be published.