Maamulka Puntland oo Isku Dayaya Inuu Xabsiga Dhigo Siyaasiyiinta Kasoo Horjeeda.

0

Maamulka la baxay Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay shaaciyay talaabooyin cusub oo ka dhan ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulkaas, kadib markii uu uga taagroonaaday Dowladda Federaalka dagaal maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaanada uu ka arimiyo.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay hogaamiyaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa looga hadlay dagaaladii dhacay maalinimadii Arbaca iyo isbadaladii ka dhacay deegaanadaas maalmihii lasoo dhaafay.

Shirkan oo ay shalay yeesheen golaha wasiirrada ee maamulka la baxay Putland ayaa lagu go’aamiyay in xabsiga la dhigo dhamaan siyaasiyiinta taabacsan Dowladda Federaalka ee ku sugan deegaanadaas ee kasoo horjeeda maamul Siciid Dani.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in maamulka la baxay Puntland uu rumeysan yahay in dagaaladaasi ay fashiliyeen isku dayo ay Dowladda Federaalku ku doonaysay inay ku qabasato Gobalada uu ka arimiyo, isla markaana lasoo xiro siyaasiyiinta wali jooga deegaanadaas si ay uga shaqeeya danaha Dowladda Federaalka.

Waxaa cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya maamulada uu shisheeyuhu ka dhistay dalka, xili ay dhabarka jeedinayaan shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka oo sheegay in aysan hayn dhaqaale ay kusii wadaan duulaanka, kadib markii uu Maraykanku shaaciyay in uu goosanayo qarashkii uu ku bixin jiray.

Leave A Reply

Your email address will not be published.