Maamulka La Baxay Puntland ayaa La Wareegay Saldhigii Ciidamada PSF-ta ee Magaalada Boosaaso.

0

Ciidamada maamulka la baxay Puntland ayaa saaka la wareegay saldhigii ay magaalada Boosaaso ku lahaayeen ciidamada PSF oo ah askar hoos taga Dowladda Federaalka, iyada oo ay wali isasoo tarayso khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay si buuxda ula wareegeen xaruntii ay ku sugnaayeen ciidamada PSF-ta, kuwaas oo Dowladda Federaalka ay horay ugu dartay ciidamadeeda, lama soo sheegin iska caabin ka dhacday saldhigga xilligii la wareegayay, in kastoo ilaha qaar ay sheegayaan, in ay askartan ay iyagu iska wareejiyeen saldhiga, isla markaana iskaga baxeen. Xaalada xerada PSF-ta ayaa saaka sidan ahayd.

Qabsashada saldhiggan ayaa timid maalin kadib dagaal culus oo askarta Puntland iyo kuwa PSF-ta ku dhex maray duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo. Sida wararka hordhaca ah tilmaamayaan, waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana lasoo tabinayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof, halka 34 kale ay ku dhaawacmeen.

Khasaarahan ayaa isugu jira dhinacyadii dagaallamay, inkastoo aan si rasmi ah loo kala shaacin khasaaraha dhinac kasta soo gaaray, waxaa sidoo kale ku jira dad shacab ah oo ku Dhintay hubkii ay isku adeegsanayeen.

Sidoo kale, maamulka la baxay Puntland ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay tiro badan oo ka tirsan ciidamada PSF-ta. War-saxaafadeed uu soo saaray Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in la qabtay 101 askari, halka in ka badan 60 dhaawac ah ay sidoo kale sheegteen inay gacanta ku hayaan.

Intii uu dagaalku socday, labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub culus, waxaana madaafiic ku dhacday xaafado ay deggen yihiin dad rayid ah. Wararka ayaa sheegaya in wiil yar uu ku dhintay duqeynta, halka hooyadiis iyo dad kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay dagaalka kadib gacanta ku dhigeen hub, rasaas, gaadiid ciidan iyo agab kale oo yaallay xerada PSF ee Gaalkacyo. Waxyaabaha la sheegay in la qabtay waxaa kamid ah 13 gaari oo Cabdi-bile ah, laba gaari oo nooca Hardtop-ka ah iyo afar gaari oo waaweyn, inkasta oo qaar ka mid ah gaadiidkaasi ay waxyeello kasoo gaartay dagaalka.

Dhanka kale, wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada PSF ee ka badbaaday dagaalka ay u gudbeen dhinaca koonfureed ee magaalada oo uu ka arimiyo maamulka la baxay Galmudug.

Leave A Reply

Your email address will not be published.