Kumannaan Katirsan Ciidanka Itoobiya oo Isku Dhiibay Jabhadda Tigreega ee TPLF.

0

Kadib dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidanka Itoobiya iyo kuwa Jabhadda Tigreega ee TPLF, ayaa waxaa lasoo warinayaa in kumannaan katirsan ciidanka xukuumadda Addis Ababa ay isku dhiibeen kooxda Tigreega.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada aad ugu faafay muuqaalka kumannaan askari oo katirsan ciidanka Itoobiya oo ay dareerinayaan maleeshiyaad katirsan kooxda TPLF, kadib markii ay ciidamada isku dhiibeen kooxdaas.

Ciidamada ayaa waxaa gabi ahaantood laga dhigay hubka, waxaana la arkayaa iyagoo maxaabiis ah oo loo xeynayo mid kamid ah magaalooyinka ay gacanta ku heyso kooxa TPLF ee dagaalka kula jirta xukuumadda Abiy Axmed.

Askarta Itoobiyaanka ah ee isku dhiibay TPLF ayaa lasoo warinayaa iney la kulmeen niyad jab xooggan iyo culees weyn oo kasoo wajahaya dagaalka ay galeen, sida ay sheegeen saraakiil katirsan ciidamadaan isku dhiibay kooxda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya iney waayeen rasaas iyo raashin ay quutaan intaba, taas oo ugu dambeyn sababtay iney isaga baxaan safka ciidanka Itoobiya iskuna dhiibaan kooxdii ay la dagaallamayeen.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidanka Itoobiya iyo kooxda TPLF ay ka dhaceen gudaha dalkaas, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, halka boqallaal Itoobiyaan ah ay firxad ku galeen dalka Suudaan oo daris la ah Itoobiya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.