Dowladda Yemen oo Dalkeeda Kasoo Masaafurisay Wakiil ay Sheegtay in uu Soomaaliland u Fadhiyo Dalkaas.

0

Dowladda Yemen ayaa dalkeeda ka masaafurisay Idiris Aadan Raage, oo ay Sheegtay inuu yahay wakiil muumulka la baxay Somaliland u joogay dalka Yemen, kadib markii uu muddo ka badan laba bilood ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada dekedda leh ee Cadan.

Ilo ku dhow mas’uuliyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay in markii laga sii daayay xabsiga si toos ah loogu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Cadan, halkaas oo laga masaafuriyay, iyada oo aan loo oggolaan inuu sii joogo dalkaas.

Mas’uuliyiinta Yemen weli kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee keentay xarigga iyo masaafurinta Idiris, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Yemen oo uu ninkan u xirnaa mudo dhowr bilood ah.

Idiris Aadan Raage ayaa la xiray 13-kii Juun 2026-kii, kadib hawlgal ay ciidamada Yemen ka fuliyeen gudaha dalkaas, gaar ahaan magaalada Cadan, dad u dhuundaloola arrintan ayaa sheegay in xarigga ninkan uu yimid, kadib markii uu isku dayay in uu gudaha Yemen ka sameeyo xaflad lagu taageerayo maamulka la baxay Soomaaliland iyo xiriirka uu la yeeshay Yahuudda.

Yemen ayaa mudooyinkii dambe wajahaysay duullaan lagu doonayo in lagu kala qeybiyo dalkaas oo lamid ah midka Soomaaliya lagu kala jarayo, golaha waxa loogu yeero ku meel gaarka oo haatan awood ahaan daciifay, isla markaana uu Imaaraadku taageerayay ayaa waday hindise ay ku doonayeen inay ku hirgeliyaan maamul ka madaxbanaan Yemen inteeda kale oo ay ka dhisaan qeybo kamida dalkaas.

Musaafurintan ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka la baxay Soomaaliland uu wajahayo diidamo caalami ah oo ku aaddan aqoonsi ku sheegga uu ka helay maamulka Yahuudda.

Wasiirka madaxtooyad maamulkaas ayaa horay usheegay in dowladaha caalamka ka jira ay diideen jirintaanka maamulkooda, isagoo diidamadaasi ku tilmaamay wax uu ku sheegay cadaalad darro sida uu hadalkiisa udhigay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.