Dowladda Koonfur Afrika oo Xabsiga u Taxaabtay ku Dhawaad 30 Ruux oo Kamid ah Dadka Soogalootiga ah.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa wadanka Koonfur Afrika gaar ahaan degaanka Hammersdale ee dhaca dhanka galbeed ee magaalada Durban ka dhacay, hawlgal lagu soo qabqabtay ku dhawaad 30 qof oo Soogalooti ah kuwaas oo ka shaqeynayay shirkad dharka sameysa oo ay leeyihiin dad Shiinees ah.
Dadka la qabqabtay ee la xiray ayaa gaaraya 28 ruux, waxaana xabsiga u taxaabay ciidamada Booliska dowladda Koonfur Afrika iyo kuwa u qaabilsan socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, islamarkaana tarxiila dadka Soogalootiga ah ee aan ogolaanshaha ka haysan xukuumadda South Africa.
Xiritaanka dadka ayey wararku sheegayaan in looga shakiyay iney iska shaqeysanayeen iyagoo aanan haysan ruqsad ama fasax shaqo, sida warbaahintu tebeyso.
Tallaabadan ay qaadday dowladda fadhigeedu yahay magaalada Pretoria ayaa kusoo aadeysa, xilli dalkaasi ay ka socdaan dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhanka ah dadka Soogalootiga ah, islamarkaan ay dhigayaan dadka Koonfur Afrikaanka ah oo boobaya goobaha ganacsiga ee ay iska leeyihiin Soogalootiga ay kamid yihiin dadka Soomaalida ah.
Mid kamid ah Soomaalida ku sugan Koonfur Afrika oo dukaan Soomaaliyeed oo lagu boobay duleedka magaalada Durban ee wadankaasi gurmad ahaan ugu tegay, ayaa ka hadlaya sida ay wax udhaceen iyo gurmad la’aanta haysata.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa ku fashilantay iney xakameyso dibadbaxyada ka socda dalkaasi, taas bedelkeedana waxay marka la fiiriyo ficilladeeda dhiirigelineysaa in la boobo dadka Soogalootiga ah islamarkaana laga saaro wadankaasi.