Tirada Dadka uu ku Dhacay Cudurka Ebola ee Congo oo Kor u Dhaaftay 4,000 oo Ruux.
Tirakoobyo rasmi ah oo kasoo baxay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa shaaca ka qaaday, in ay korortay tirada dadka uu soo ritay cudurka Ebola taas oo kor u dhaaftay 4,000 oo ruux, waana tiradii ugu badneen tan iyo markii uu baahay cudurkaas.
Sida ku cad tirakoobyadii ugu dambeeyay ee uu baahiyay machadka caafimaadka guud ee Congo, tirada dadka uu soo ritay cudurka Ebola ayaa gaartay 4053 ruux, halka ay u dhinteen 1850 qof.
Isbuucii lasoo dhaafay ayaa lasoo warinayaa in Congo laga soo diiwaan galiyay koror la xiriira dadka uu soo ritay cudurkaan, waxaana tani ay saameyn ku yeelatay dowladaha dariska la ah dalkaas oo ay ugu horreyso Uganda.