Muwaadiniin Soomaali ah oo Dhibaatooyin ku Wajahaya Sweden oo Eedeymo Ujeediyay DF.
Iyadoo dalka Sweden mudooyinkii lasoo dhaafay laga soo tebinayay dhibaatooyin ay dadka Soomaalida ah ku wajahayaan gudaha dalkaas, ayaa waxay qaar kamid ah dadka dalkaas ku dhibaateysan ka warrameen xaalkooda.
Soomaali tiradooda gaareyso 42 ruux ayaa waxa ay dhibaatooyin ku wajahayaan magaalada labaad ee ugu weyn dalka Sweden, kuwaas oo isugu jira qaar sharciyo heysto iyo kuwa kol sii horreysay galay gudaha dalka Swden.
Waxay sheegeen in Dowladda Fedaraalka ay dhaqaale ka sameyneyso mashruuc lagu kala geynayo waalidiinta Soomaalida iyo ubadkooda, waxaana dadkaan la sheegay in dib loogu soo celinayo Soomaaliya.
Qaarkood waxay heystaan baasaboorrada dalal kale oo ku yaalla qaaradda Yurub, waxaana qeybtood oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen in nacayb ka dhan ah Soomaalida uu ka jiro dalka Sweden sidaasna loo soo tarxiilayo.
Sidoo kale waxay sheegeen iney cabasho ka yihiin Dowladda Fedaraalka oo oo ay tilmaameen in markii ay boobtay dhulalka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka ay dibadda kaga daba timid Soomaalida kale.
Waxay intaas ku dareen in arrintaan laga damacsan yahay qorshe kale oo ah in haddii waalidiinta laga soo ka xeeyo ubadkooda ay caruurta Soomaaliyeed ugacan gali doonaan gaalada.
Qaaradda Yurub iyo dalal kale oo ku yaalla caalamka waxaa ku dhibaateysan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood ka cararay dhibaatada ay Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka ka wadaan dalka, waxaana taasi sii dheer in mar waliba ay badaha iyo saxaraha ku le’daan dhalinyaro Soomaaliyeed oo doonaya iney tahriib ku galaan qaaradda Yurub.