Xuutiyiinta Yemen oo Weerar Khasaare Culus Geystay Ku Qaaday Gobolka Najraan ee Dalka Sacuudiga.
Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta wadanka Yemen ayaa qaaday weerar culus oo lagu bartilmaameedsaday gobolka Najraan ee dhaca Koonfurta dalka Sacuudiga, kaas oo khasaaro culus gaarsiiyay ciidamada maamulka Aala Sacuud.
Xuutiyiinta ayaa weerarkan u adeegsatay gantaallo nooca ridada dheer iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo daroonis ah, weerarkan ayaana lagu tilmaamay kii ugu xooganaa ee lagu qaado gobolkaas tan iyo markii la dhaqan geliyay heshiisyadii xabbad-joojinta oo ku beegnaa 4 sano ka hor.
Weerarkan ayaa dib u soo noolaynaya walaaca laga qabo sii xoogeysiga xiisadda ka taagan xuduuduud beenaadka u dhaxeeya Yemen iyo Sacuudiga, xili uu faraha kasii baxayo dagaalka gudaha dalkaas ku dhexmaraya Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan.
Isbahaysiga militari ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan uu sababay dhaawaca ugu yaraan 11 qof, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Najraan. Afhayeenka isbahaysiga ayaa sheegay in weerarkan ay fuliyeen cutubyo ka tirsan Xuutiyiinta.
Dagaalka hadda ka dhex qarxay dhinacyada isku haya Yemen ayaa kusoo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dunida Carabta ka socdo loolan ay Yahuuddu doonayso iney ku qabsato marinada caalamiga ah ee ganacsiga.
Hardan socday dhowr sano oo ay Yahuuddu dooneysay inay Ku wiiqdo awoodda Xuutiyiinta, isla markaana ay u kaashatay Mareykanka ayaa ugu dambayn fashilmay, waxayna haatan dabada kasoo riixeen maamulka Aala Sacuud oo loo diyaarinayo in uu weerar ballaaran ku qaado Yemen.
Sacuudiga ayaa dhankiisa samaystay isbahaysi uu isagu hogaaminayo ujeedad ugu wayn ayaana ah xaqiijinta ahdaaftii ay Yahuuddu ka lahayd gobalka oo ah in Sahaayinadu ay gacanta ku dhigaan marin badeedka Badda Cas iyo nawaaaxigiisa.