Diyaarad Drone ah oo Lagu Weeraray Sharikad Shidaal oo ku Taalla Dalka Liibiya.

0

Xilli ay colaado ka taagan yihiin dalka Liibiya ayaa sharikad sifeysa Shidaalka oo ka howlgasha dalkaas waxay sheegtay, in keydka mid kamid ah xarumaheeda lagu weeraray diyaarad Drone ah.

Diyaarad Drone ah oo ah nuuca is qarxiya ayay sharikaddu tilmaamtay in lagu dhuftay xarunta keydka sharikadda ee dekadda Zawiya ee dalka Liibiya, taas oo kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee lagu sifeeyo shidaalka dalkaas.

Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse wuxuu kusoo aadayaa iyadoo maalmo kahor ay iska hor-imaadyo ka shaceen magaalooyinka Zaawiyah iyo Sarmaan ee dalka Liibiya, kuwaas oo u dhexeeyay kooxo hubeysan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.