Dibadbaxyada ka Socda Koonfur Afrika oo Sababay Iney Gabi Ahaanba Xirmaan dukaamo Soomaalida.

0

Dalka South Africa oo ay ku nool yihiin Soomaali ganacsato ubadan, ayaa waxaa wali ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo dadka Soogalootiga ah ee jooga wadankaas.

Dibadbaxayadan oo soo billowday 30-kii bishii lixaad ee sanadkan 2026-ka, ayaa wali ka taagan gudaha Koonfur Afrika, waxaana ay saameyn ku yeesheen ganacstada Soomaalida ee gudaha wadankaas iyo dadka kale we Soogalootiga ah, maadaama la boobayo hantidooda naftooduna ay halis ku jirto.

Tan iyo markii ay billowdeen banaabaxyadan waxaa jira goobo badan oo ganacsi oo boob la kulmay iyo dad dil iyo dhaawac loo geystay intaba, waxaana ficilladaasi ku dhaqaaqay dadka Koonfur Afrikaan ah iyo kooxo burcad ah.

Dhanka kale, dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku yaalla gudaha dalkaasi ayaa wali uxiran banaanbaxyadan awgood, kuwaas oo qaarkood la diiday in dib loo furo, halka ay sidoo kale jiraan kuwo la boobay oo laga qaatay agabkii dhexyiillay ee lagu iibinayay.

Mid kamid ah Soomaalida ku sugan Koonfur Afrika ayaa kawarbixinaya dukaamaha xiran iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka Soomaalida ku haysta gudaha wadankaas gaar ahaan duleedka magaalada Durban.

Soomaalida ku nool South Africa ayaa wali la kulmaya dhibaato ay u geysanayaan dadka Koonfur Afrikaanka ah oo boobaya goobahooda ganacsiga sidoo kalena dilaya marar qaar ama dhaawacyo ugeysanaya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.