Askari Yahuudi ah oo Lagu Dhaawacay Weerar ka Dhacay Koonfurta Lubnaan.
Wararka ka imaanaya dalka Lubnaan ayaa ku waramaya, in askari katirsan ciidanka gumeysiga Yahuudda ee duullaanka ku qaaday dalkaas uu ku dhaawacmay, weerar lagula beegsaday koonfurta Lubnaan, xilli ay ciidanka gumeysigu tacaddiyaad ka wadaan manaadiq ku dhaca koonfurta dalkaas.
Kanaalka 12aad ee Sahaayinada ayaa waxa uu xaqiijiyay dhaawaca askarigaan, isagoo aan faahfaahin nuuca weerar uu ku dhaawacmay.
Idaacadda ku hadasha afka ciidanka Yahuudda ayaa dhankeeda sheegtay, in askariga Yahuudiga ah uu si gaar ah uga tirsanaa guutada farsamada ee 607, waxaana dhaawaciisu uu kusoo aadayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo ka dhacay koonfurta Lubnaan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen sarkaal iyo askar Yahuud ah.