Xiisad Dagaal oo Laga Dareemayaa Qeybo Ka Mid ah Degaanada Gobolka Bari.

0

Wali waxaa degaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ka taagan xiisado dagaal oo u dhaxeeyo maamulkaas iyo Dowlada Fedaraalka, iyadoo maanta oo Axad ah xiisadda dagaal laga dareemayo degaano ka tirsan gobolka Bari.

Ilo Wareedyo ku sugan degaanka Raka-Raaxo ee goblka Bari ayaa waxa ay warbaahinta u sheegay, in ciidamo farabadan oo ka tirsan maamulka la baxay Puntland ay soo gaareen degaanka, iyaga oo wata gawaari dagaal oo gaaraya illaa iyo 40 gadiid ah, isla markaan ku raad jooga ciidamada taabacsan Dowladda Fedaraalka ee ku sugan deegaannada uu ka arrimiyo mamaulkaas.

Wararka degaanka laga helayo ayaa waxa ay sheegayaan, in ciidamada Puntland ay wali ceyrsanayaan, ciidamado ka amar qaatay xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ka soo horjeeda maamulkooda.

Xiisaddaan ayaa waxa ay imaatay kadib markii ciidamo ka trsan kuwa Dowladda Fedaralka oo horay ugu sugnaa saldhig ay ku lahaayeen degmada Carmo ay u soo baxsadeen dhanka degaanka Xubeys ee gobolka Bari.

Degaan lagu magacaabo Kur-ilaalo oo isn ka tirsan isla gobolka Bari ayaa waxaa isna isku hor fadhoyo ciidamo ka tirsan maamulka la baxay Puntland iyo kuwa taabacsan Dowladda Fedaraalka.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxy Puntland ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereya, iyadoo maamulka Saciid Cabdullaahi Deni uu kordhiyay weerarrada ka dhanka ah askarta taabacsan xukuumadda fadhigeeduyhaya Xamar.

Leave A Reply

Your email address will not be published.