Dab Xoogan oo Ka Kacay Doon Kalluumeysi oo ku Sugneyd Xeebaha Magaalada Berbera.

0

Saacadihii lasoo dhaafay waxa uu dab xooggan qabsaday mid kamid ah doonyaha Kalluumeysi oo ku dul xirneed markab ku sugan xeebaha magaalada Berbera ee woqooyiga Soomaaliya.

Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya dab aad u xooggan oo qabsaday doonta Kalluumeysi oo si gaar ah ugu xirneed meel udhow dekadda hore oo ku taalla magaalada Berbera.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dabka ka kacay doonta iyo haddii uu jiro wax weerar ah oo lala beegsaday.

Masuuliyiin katirsan maamulka la baxay Soomaaliland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in illaa iyo hadda aan la garan sababta ka dambeysa dabka ayna baaritaan ku wadaan.

Xeebaha Soomaaliya waxaa marar kala duwan sidaan oo kale looga soo tabiyay dhacdooyin nuucaan ah, kuwaas oo qaarkood geystay khasaarooyin kala duwan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.