Bulshada Magaalada Burco oo Dhigay Dibadbaxyo ay ka Dhanka ah Maamulka La Baxay Soomaaliland.

0

Xilli uu maamulka la abxay Soomaaliland kordhiyay dhibaatooyinka iyo cadaadiska uu ku hayo bulshada ku dhaqan magaalada Burco, ayaa waxaa magaalada ka dhacay dibadbax ay dhigeen bulshada ku dhaqan magaalada.

Dibadbaxa ay dhigeen dadka ayaa waxay kaga soo horjeedaan maamulka la baxay Soomaaliland, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu kordhiyay dhibaatada uu ku hayo dadka rayidka ah.

Tacadiyaadka ay bulshadu ka dibad-baxeyso ayaa waxaa kamid ah lacago xad-dhaaf ah oo uu maamulku soo rogay, ciidamo xadgudubyo kula kacaya haweenka ku dhaqan magaalada iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxaa maamulka lagu eedeeyay inuu xabsiga dhigay qaar kamid ah gaadiidleyda magaalada Burco, waana kuwaan dadkii dibadbaxa dhigay oo ka hadlaya dhibaatada ay wajahayaan.

Magaalada Burco ayaa wajaheysa dhibaatooyin is biirsaday oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana dadka qaar ay tani ku mecneeyeen arrin lagu barakicinayo bulshada magaalada si loosoo dajiyo dad shisheeye.

Leave A Reply

Your email address will not be published.