In ka Badan 40 Ruux oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo ay Xuthiyiinta ka Fuliyeen Dalka Yaman

0

Saacadihii lasoo dhaafay kooxda Xuuthiyiinta Yaman aya waxa ay weeraro xoogan ku qaadeen goobo ay sheegeen in ay yihin xarumo ciidanka sucuudiga iyo baqaaro hub lagu keediyo oo ku yalo gobolka Taciz ee Dalkaasi Yaman.

Duqeymaha Xuuthiyiinta ayaa waxaa sigaar ah loogu bartilmaameedsaday dekada Al-Mukha iyo degaano kale oo kuxeerana, gaar ahaa meel si aad ah ugu dhaw Marin biyoodka Baabu Al-Mandab.

Wararka ayaa waxa ay tilmaamayaa in weeradaan duqeymaha ah ee ay xuthiyiinta fuliyeen ay ku dhinteen 7ruux halka sIdoo kale ay dhaawacyo kala duwan soogaareen ilaa iyo 35ruux oo kale, iyadoo kaabayaasha dekedda iyo gooboha rayidkana ay waxyeello soo gaartay.

War kasoo baxay Xuthiyiinta ayaa waxaa lagu sheegey in ay weeraradaan u adeegsadeen, gantaalada ridada dheereeya iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaan ay sheegeen in goobaha ay bartilmaameedsadeen ay sugnaayeen ciidamada Sucuudiga iyo Bakhaaro lagu keediyo hub.

Dawlada Yaman ayaa waxa ay iyana dhankeeda sheegtay in ay duqeymaha ay Xuthiyiinta ka fuliyeen gobolka ay waxyeelo kala duwan soo gaarsiiyeen kaabayaasha dekedda Al-Mukha ee gobolka Taciz.

Si kastaba waxaa sii xoogeysanaya dagaallada ka socoday dalka Yaman ee ay isku horfadhiyaan Xukuumada dalkaas iyo Dawlada Sucuudiga oo dhinac ah iyo Kooxda Xuthiyiinta, waxaana uu dagaalka ku sii baahayee qeybo badan oo kamid ah gobolada dalka Yaman, Iyadoona dagaaladaan ay sababeen khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac iskuugu jiro.

Leave A Reply

Your email address will not be published.