Askar Katirsan Dowladda Pakistan oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar ka Dhacay Dalkaas.

0

Booliska xukuumadda Pakistan ayaa shaaca ka qaaday in weerar ka dhacay gudaha dalkaas uu sababay dhimashada iyo dhaawaca askar katirsan dowladdaas.

Waxay sheegeen in hal sarkaal lagu dilay askari kalana lagu dhaawacay, weerar ka dhacay gobol ku yaalla woqooyi-galbeed ee dalka Pakistan.

Waxay intaas ku dareen in rag hubeysan ay rasaas ku fureen sarkaalka iyo askariga oo Mooto saarnaa, taas oo sababtay in sarkaalka uu isla goobta ku geeriyoodo askariga kalana uu dhaawac soo gaaro.

Leave A Reply

Your email address will not be published.