In Ka Badan 50 Askari oo DF Dhimasho iyo Dhaawac Uga Noqday Qaraxyo Ka Dhacay Sh/Hoose.

0

Qaraxyo xooggan oo khasaare badan lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan 16 askari ayaa ku dhimatay 26 kale oo uu ku jiro sarkaal Taliye horin ah oo lagu magacaabo Cali Ibraahimna waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen gaari BG ah oo ay ka buuxeen, kaaso oo ka baxay degmada Awdheegle ee gobolkaas kuna sii jeeday degaanka Mubaarak ee isla gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Kadib qaraxaas waxaa degaanka Mubaarak gurmad ahaan uga soo baxay askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ka buuxay labo mooto oo nooca Seddax-Lugoodka ah, waxaana qarax kale ay ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen mid kamid ah mootooyinkaas oo ay saarnaayeen 10 askari, waxayna ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

Afar kamid ah askartii saarneyd mootada qaraxa lala beegsaday ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen 6-dii kale, waxaana gabi ahaanba burburay mootadii Seddax-Luguudka ahayd iyo gaarigii BG-ga ahaa ee qaraxyada lala beegsaday.

Qaraxyadan ayaa kamid noqonaya kuwii ugu khasaaraha badanaa ee askarta Dowladda Fedaraalka lagula beegsado gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna kusoo beegmayaan xilli ay sii taagdarreyneyso xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ciidamada Shisheeyana ay ka baxayaan dalka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.