Diyaarad Millatari oo ay Leeyihiin Murtazaqada Fagnar oo ku Burburtay Dalka Mali.

0

Diyaaraddaan oo uu nuuceedo yahay kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno Helicopterka ayaa waxa ay ku burburtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Timbuktu oo katirsan dalka Mali.

Ila wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in diyaaradda oo aheyd mid ciidanka daabusha ay burburtay markii ay kusoo dhawaatay garoonka, taas oo sababtay geerida dhammaan saraakiishii iyo askartii saarneed.

Burburka diyaaraddaan ayaa kusoo aadaya saacado un kadib markii murtazaqada Fagnar iyo ciidanka Mali ay duqeyn la beegsadeen suuq ku yaalla koonfurta galbeed ee magaalada Timbuktu, waxaana burburka diyaaraddaan aad usoo dhaweeyay uguna farxay dadka rayidka ah ee ku dhaqan mandiqadda, kuwaas oo wajahaya duqeymo ay fulinayaan ciidamada huwanta ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.