Dad Shacab ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weeraro ay Ciidamada Itoobiya ku Soo Qaadeen Gobolka Sitti.
Ciidamada Dawlada Xabashida Itoobiya ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, degaano ku yaalla galbeedka gobolka Sitti ee dhulkka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeesiga Xabashida Itoobiya, iyagoona halkaasi dil, dhaawac iyo billiqo hantiyadeed ka geestay.
Wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegeyaan, in Ciidanka Itoobiya ay Saddax weerar ku qaadeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan galbeedka gobolka Siti, waxaana uu weerarka kowaad ka dhacay degaanka Geed-cowl, iyagoon halkaasi ku waxyeeleeyay dadka shacabka ah.
Sido kale, ciidanka Itoobiya ayaa waxa ay weerarka labaad ku qaadeen aaga ku beegan xoorri, wararka aan helayno ayaa wax ay tilmaamayaan, in halkaas ay ku dileen hal ruux oo ka mid ahaa dadka shacabka ah, waxaan ay ciidanka Itoobiya horay u sii ka xaysteen geel farabadan oo ay shacabku lahaayeen.
Weerarka saddaxaad ayay ciidanka Itoobiya ku soo qaadeen aaga daba-mara ee ku beegan magaalada dan-lahelay, waxaan ay halkaasi ku dhaawaceen ciidamada Itoobiya ruux kale oo shacab ah, magaciisana lagu sheegey Cumar Faarax Waabari.
Ma jirto cid ka hadashay weerarkaan gardarada ah ee ciidamada xabashida Itoobiya ku soo qaadeeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan galbeedka gobolka Sitti, isla markaan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac lagu gaarsiiyay dadka rayidka ah.
Weeraradan ay ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen galbeedka gobolka Sitti ayaa waxa ay ku soo beegmayaan, iyada oo gobolkan ay ka jirto xaalad nolaleed oo aad u liidata oo ay dadka deegaanka badeen maamulka dabadhilifka ah ee ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaaligalbeed.