Imaam Masjid oo Lagu Dilay Dalka Hindiya.

0

Kooxo Hinduus ah oo ay ku fogaatay Islaam Naceybka ayaa waxay gobol katirsan dalka Hindiya ku dileen imaam masjid, xilli uu ku sugnaa gudaha masjid ku yaalla deegaan katirsan gobolka Biihaar ee dalka Hindiya.

Imaamka la dilay oo 50 jir ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Shafiiq, waxaana kahor aadaanka saaladda Subax isagoo ku sugan gudaha masjidka dhowr Mindi dhabarka kaga dhuftay gaalada Hinsuuska ah.

Qaar kamid ah jamaacada Masjidka ayaa meydka Imaamka ka helay gudaha masjidka, wuxuuna dilka imaamka kusoo aadayaa iyadoo maalmo kahor laga dhacay mobile-kiisa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.