Warbaahi Mareykan ah oo Sheegtay in Millaitariga Maali uu Marayo Marxaladdiisii Ugu Liidatay.
Markazka Soufan, oo ah xarun cilmi-baaris oo Ameerikaan ah, fadhigeeduna yahay magaalasda New York, ayaa soo saartay warbixin sirdoon oo ay kaga hadlayso xaaladda uu marayo Militariga Maali, oo dagaalla xooggan oo dhiig-bax ah kala kulmaya Mujaahidiinta Galbeedka Afrika.
Ugu Horayntii warbixintu waxaa lagu sheegay, in nidaamka militariga ee Bamako uu wajahayo mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa tan iyo markii uu talada dalka kula wareegay afgambi dhacay sanadkii 2020-kii. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo dowladda Mali ay weli hesho taageero dhaqaale iyo mid milatari oo ka imanaysa dhoofinta dahabka iyo dhinaca Ruushka.
Markazkan oo falanqeeya la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa warbixintiisa intaasi ku daray, in Mujaahidiinta Galbeedka Afrika ay sii ballaarinayaan saameyntooda, halka militariga dalkaasna uu wajahayo cadaadis isa soo taraya oo dhinacyada militariga, dhaqaalaha iyo saadka ah.
Warbixintu waxay si gaar ah u xustay dhaqdhaqaaqyada Jabhadda Xoreynta Azawad, taas oo Mujaahidiinta jamaacada Nusratal Islaam Wal-Muslimiin la qaaday hawlgallo wadajir ah , oo 25-kii bishii hore ee Abriil ee sanadkan 2026-ka lagu beegsaday magaalooyinka waaweyn ee dalka Maali oo ay ku jirta magaalo madaxda dalkaas ee Bamako.
Markazkan Ameerikanka ah ayaa sheegay, in weerarkaas uu horseeday, in dib loo qabsado magaalada istiraatiijiga ah Kidaal, oo ah dhacda waqooyiga fog ee dalka Maali, taas oo kordhisay ayaa lagu yiri warbixinta cadaadiska lagu hayo dowladda militariga ah ee Bamako.
Xarunta Soufan waxay sheegtay, in Jamaacada Nusratal Islaam Wal-Muslimiin ay noqotay mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee ugu awoodda badan Afrika. “Arrintaas kuma salaysna oo keliya awoodda ay u leedahay, inay weerarro ku qaaddo ciidamada dowladda, balse sidoo kale waxey awood u yeelatay, inay dhul maamusho, gacanta ku hayso, islamarkaana samaysato ilo dhaqaale oo joogto ah” ayaa lasii raaciyay warbixinta.
Xarunta Soufan waxay waddooyinka iyo silsiladaha sahayda ku tilmaantay, mid ka mid ah meelaha ugu nugul ee militariga Mali. Dalka ayaa si weyn ugu tiirsan waddooyinka dhulka si uu shidaal uga soo dejisto dalalka Senegal iyo Saaxilul Caaj ama Ivory Coast.
Sida warbixintu sheegtay, Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin iyo Jabhadda Xoreynta dadka Azawad-ka ayaa ka faa’iidaysanaya nuglaanta waddooyinkan, iyagoo adeegsanaya baro kontorool, weerarro gaadmo ah iyo miinooyin. Tani waxay hoos u dhigtay ayaa lagu yiri warbixinta awoodda saadka ee ciidamada Mali, waxayna ku qasabtay dowladda inay si joogto ah u isticmaasho kolonyo hubaysan si sahaydu u gaarto Bamako.
Xaruntu waxay sheegtay, in ku tiirsanaanta dowladda militariga ah ee taageerada dibadda sida Ruushka ay leedahay caqabado, kuwaas oo soo shaacbaxay wixii ka dambeeyay weerarkii weynaa ee dhacay bishii Abriil, kolkaas oo uu khatar galay jiritaan nidaamka Bamako, islamarkaana aan Ruushka laga helin taageero wax ku ool ah.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa lagu sheegay, in Ruushka weli gudaha nidaamka Mali looga arko, saaxiib muhiim ah iyo il laga helo taageerada militari, maadaama ay dalkaasi ku sugan yihiin boqolaal maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah oo isaga ka amar qaata.
Xarunta Soufan waxay ku soo gabagabaysay warbixinteedu, in dhammaan isbadalladan ay muujinayaan, in militariga Mali uu marayo marxaladdiisii ugu daciifsanayd tan iyo afgambigii 2020-kii.