Shiinaha oo Xoojiyay Tacadiyaadka uu Kula Kacaya Muslimiinta Turkistanta Bari.
Dowladda Shuuciyadda ah ee Shiinaha ayaa sare u qaaday tacadiyaadka isugu jira, jirdilka, xariga iyo adoonsiga ay kula kacayso Muslimiinta Turkistanta Bari gaar ahaan qowmiyadda Ayghoor loo yaqaanno.
Sidoo kale, wuxuu Shiinuhu halkiisa kasii wadaa beegsiga dadka ay ka muuqata shacaa’irta Islaamka, sida haweenka xijaaban, raga garka deystay iyo qof kasta oo gudanaya cibaadaadka Islaamka ama xifdisan Qur’aanka Kariimka ah.
Wiil yar oo kamid ah Muslimiinta Ayghoor ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo muuqday warbaahin, wuxuuna sheegay, in la xiray dhamaan qoyskooda laguna beegsaday Diintooda.
Dowladda Shuuciyadda ah ee Shiinaha ayaa dadaal weyn ku bixisa inaysan caalamka ogaanin gabood-fallada ay kula kacayso Muslimiinta Turkistanta Bari, iyadoona warbaahinnada iyo saxafiyiinta aysan waxba kasoo tabin karin boloqaal xabsi oo lagu tacdiibiyo Muslimiinta isla markaana ku yaalla gudaha dalka Shiinaha.