Dagaalka Sokeeye ee Ka Socda Dalka Myanmar oo Sii Xoogeysanaya.
Colaadda sokeeye ee ka socda dalka Myanmar ayaa noqday mid ka mid ah colaadaha ugu daba-dheeraaday ee Aasiya, iyadoo colaadda ay ku fiday qaybo badan oo dalka ah.
Saacadihii lasoo dhaafay mucaaradka dalkaas ayaa baahiyay dagaallo culus oo ay ku qaadeen mid kamid ah magaalooyinka dalkaas.
Muuqaalka ayaa marka hore lagu arkayaa mucaaradka oo weeraya fariisimo ay ku sugnaayeen millatariga Myanmar, intaasi kadibna waxa ay la wareegayaan magaalada, halka Millatarigu ay miciin bigayaan carar.
Dagaalkan ayaa muujinaya, in awoodda labada dhinac waa mucaaradka iyo Millatariga ee ay wali tahay, mid barbar dhac oo aysan walina qolane u harin talada dalkaas.
Dagaallada u dhexeeya mucaaradka hubeysan iyo millatariga Myanmar ayaa dalkaas ka socda tan iyo afgambigii millatari ee dhacay bishii Febraayo ee sanadkii 2021-kii, kaas oo xukunka looga tuuray dowladdii rayidka aheed. Muddo shan sano ka badan, iska horimaadku wuxuu isu beddelay dagaal sokeeye oo ka socda gobollo badan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ee mucaaradka ay ku loollamayaan gacan-ku-haynta dhulal istiraatiiji ah.
Dhanka dhibaatada soo gaarayso rayidka, dagaalladu waxay sababeen khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh, iyadoo boqollaal kun oo qof ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen, halka malaayiin kalena ay guryahooda ka barakaceen.
Millatariga ayaa marar badan adeegsaday duqeymo cirka ah, kuwaas oo sidoo kale sababay dhimashada dad rayid ah.
Xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo dhinacyada dagaallamaya aysan gaarin xal siyaasadeed oo waara. Ciidamada mucaaradka iyo kooxaha hubeysan ee qowmiyadaha ayaa gacanta ku haya dhul ballaaran, halka millatariguna uu isku dayayo inuu dib u soo ceshado deegaanada uu lumiyay. Sidaas darteed, Myanmar ayaa weli wajahaysa dagaal daba-dheeraaday oo saameyntiisa ugu weyn ay ku dhacday shacabka rayidka