Macalimiinta Soomaaliyeed oo Si Adag Uga Horyimi Amar Kasoo Baxay Dowladda Federaalka.
Macallimiinta qaar ka tirsan dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubada Dhexe ayaa ka hadlay amarkii shalay kasoo baxay Xamse Cabdi Barre Ra’iisulwasaaraha Dowladda Fedaraalka ee ahaa in macallimiintu isdiiwaangeliyaan, islamarkaana aan waxbarid loo oggolaan qof aan haysan shahaado ay ansixiyeen.
Qaar ka mid ah macallimiinta ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid laga xumaado oo saameyn ku yeelan karta waxbarashada carruurta.