Hey’adaha Shisheeye oo Malaayiin Doollar ku Dalbatay Xaalad Bani’aadannimo oo ay Sheegtay Iney Ka Jirto Soomaaliya.

0

Heyladda sheegata caafimaadka adduunka ee loosoo gaabiyo WHO ayaa waxa ay si degdeg u codsatay lacag dhan 6.42 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, taas oo ay sheegtay in lagu bixinayo adeegyo caafimaad iyo nafaqo darro ay tilmaamtay iney ka jirto dalal ku yaalla Bariga Afrika.

Dalalka ay hey’addu sheegtay ayaa waxa ay kala yihiin Soomaaliya, Suudaan iyo Jabuuti, iyadoo xustay in malaayiin ruux oo ku nool dalalkaan ay wajahayaan macluul iyo xaalad bani’aadannimo.

Warka kasoo baxay hey’addaan ayaanan lagu xusin deegaannada ay macluusho ka jirto ee ku yaalla Soomaaliya, waxaana dad badan ay wax lala yaabo ku tilmaameen warka kasoo yeeray WHO ee ah musiibada ay ku qaraabaneyso, xilli lagu jiro aaran islamarkaana ay goballada dalka ka da’een roobab lagu diirsaday.

Hey’adda WHO ayaanan la arkin iyadoo gargaar dalbeysa xilliyada abaarta, balse taa cagsigeeda waxaa inta badan la arkaa xilliyada ay barwaaqado jirto, iyadoo oo caalamka ugudbisa war ka duwan waaqica ka jira dalka si ay dhaqaale badan ugu hesho arrinkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.