Ciidamo ka Tirsan Dowladda Itoobiya oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Bariga Dalka Koonfurta Suudaan.

0

Wararka naga soo gaaraya dalka South Suudaan ayaa ku warramaya, in laba kamid ah ciidamada Itoobiya lagu dilay, halka todobo kalena lagu dhaawacay weerar ay dabley hubeysan ku qaadeen ciidamo ka tirsan waxa ay ugu yeereen nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Koonfurta Suudaan.

Askartaan Itoobiyaanka ah ee la dilay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen, ciidamada waxa ay ugu yeereen Nnabad-ilaalinta Qaramada Midoobe ee ku sugan dalka South Suudaan. xilli ay ku sii jeedeen degaan lagu magacabo Pajut oo ka tirsan gobolka Jonglei ayeyna la kulmeen weerar xooggan oo kaga imaaday dhanka shaqsiaad aan hebtooda la aqoonsan.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya oo looga hadlaayo, weerarkaan ay ku dhinteen ciidamadeeda ku sugan dalka Koofurta Suudaan, balsa war ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegey, in weerarrada ay la kulmayaan ciidamada waxa ay ugu yeereen Nabad-ilaalinta ay tahay wax aan la aqbali karin.

Dalka South Suudaan oo ka mid ah wadamada ugu rabshadaha badan Africa ayaa waxaa ay ciidamada qaramada Midoobay ee loogu yeero Nabad-ilaalinta tageen Sanadkii 2011-kii, markaas oo ay ka go’een dowladda Suudaan, dagaallo sokeeyna ay ka soocdeen.

Man jiro wax nabad ah oo ay ka taliyeen ciidamada ay Qaramada Midoobay halkaasi geysay, iskaba daaye ciidamadaas ayaa mararbadan la kulmay weerarro kaga imaaday dhanka kooxa hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.