Maleeshiyaadka RSF oo Qaaday Tallaabooyin ka Dhan ah Bulshada ku Dhaqan Dalka Suudaan.
Kooxda RSF ee uu Imaaraatku ku adeegto ayaa waxay qaaday tallaabo ka dhan ah dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka galbeedka Kordafan ee dalka Suudaan.
Maleeshiyaadkaan ayaa waxay gabi ahaanba xireen suuqyadii ku yiillay magaalada An-Nuhuud ee gobolka galbeedka Kordafaan, iyagoo sidoo kale jaray adeeggii isgaarsiinta, taas oo ay sii dheer tahay bandow lagu soo rogay dhaqdhaaqii bulshada, mana sababeyn maleeshiyaadka sababta ay arrintaas u sameeyeen.
Waxaa tani barbar socda dhaqdhaaqyo millatari oo ka jira mandiqadda, xilli ay sii kordhayaan weerarada duqeymaha ah ee ka socda gobolka, iyadoo laga digayo xaaladda bani’aadannimo ee ay wajahayaan dadka ku dhaqan halkaas.