Xafiiska UNSOS ee Qaramada Midoobay ku Leedahay Soomaaliya oo Billaabay inuu Kala Diro Shaqaalihiisa.

0

Waxba marka ka dambeysa sii kordhaya tallaabooyinka Shisheeyaha ay ugu horreyso Qaramada Midoobay ku doonayaan iney ku soo afjaraan duullaan ay mudada dheer ka wadeen Soomaaliya.

Xafiiska loogu yeero UNSOS ee taageera ciidamada Shisheeyaha Afrikaanta ee duullaanka ku jooga dalka, ayaa markan billaabay dhaqagelinta ogeysiiskii uu horay usheegay ee ahaa inuu xirayo xafiiskan islamarkaana uu iib yahay qalabka uu ku shaqeynayay.

Dhawaan 10 xubnood oo katirsanaa midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay islamarkaana u qaalisanaa dhanka warfaahinta, ayaa lagu wargeliyay in mudada ay sii shaqeyn doonaana ay ku egtahay 10 Septemper oo ah bisha soo socota, hallaasina qarandaraaskoodu kusoo dhaamaanayo.

Sidoo kale isla xafiiskan wuxuu billaabay inuu dhaqangeliyo ogeysiiskii iibingta agabka ay ku shaqeeyaan ee ka yaalla Soomaaliya oo ay horay usheegeen in iney iska gadayaan, waxaana soo warinayaa in qeyb kamid ah qalabkaas loo diyaariyay in la iibiyo.

Arrintan ayaa walaac xooggan ku haysa Dowladda Fedaraalka oo loo sheegay iney isaga filnaadaan taageeradii dhanka wasaaradda loogu yeero Cadaaladda ay ka helijirtay dhinaca Qamramada Miidoobay, waxayna qeyb kamid ah taageeradaas qaabilsaneyd xabsiyada Dowladda Fedaraalka oo hoostaga wasaaraddan.

Dowladda Mareykanka ayaa horay usheegtay iney dhamaadka sanadkan ka jaran doonto xafiiska UNSOS ee Qaramada Midoobay dhaqaalihii kaga bixijiray, waana arrinka walaaca ugu wayn ku haya ciidamada Shisheeye iyo xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Dowladaha Afrikaanta ee ay askartoodu joogaan Soomaaliya ay dhankooda billaabay iney si cad usheegaan iney ciidankooda kala baxayaan Soomaaliya, taasoo oo sii kordhineysa walaacii horay ujiray.

Isku soo wada duuboo Dowladda Fedaraalka ay ku jihawareersan sidii ay umaareyn lahayd albaabada dhaqaale ee kusoo furmaraya marba marka ka dambeysa, iyadoo Shisheeyuhu ay ku wargelinayaan iney isku filnaato, oo laga jaranayo dhaqaalaha ay siiyaan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.