Weerar Dhabbo-gal ah oo Lagu Dilay Askar Katirsan DF oo ka Dhacay Gobolka Sh/hoose.

0

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta waxay weerar kamiin ah la beegsadeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

Askarta weerarka lala beegsaday ayaa dhaqdhaaqyo ka waday duleedka deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose, waxaana la gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan lagu dilay laba askari oo meydadkooda looga cararay goobta dagaalka, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cilmi Sheekeeye iyo Mahad CM, halka lagu dhaawacay labo kale.

Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarkaan kusoo furteen qori AK-47 ah iyo mid PKM ah.

Dhanka Jubbada/hoose, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig iyo koontarool askarta maamulka la baxay Jubbaland ay ku leeyihiin deegaan katirsan gobolkaas.

Weerarka ayaa barqanimadii maanta lagu qaaday saldhiga iyo Koontaroolka askarta maamulka la baxay Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Diif ee hoostaga magaalada Dhoobley ee Jubbada/hoose.

Ciidamadii ku sugnaa goobaha la weeraray ayaa firxaday, waxaana lasoo warinayaa in la gaarsiiyay khasaare nafeed.

Leave A Reply

Your email address will not be published.