Maamulka Aala Sucuud oo Xabsiga Dhigay Ugu Yaraan 60 Itoobiyaan ah oo Lagu Eedeeyay ka Ganacsiga maandooriyaha
Wararka inagasoo gaaraya dalka Sucuudiga, ayaa ku waramaya in ugu yaraan 60 qof oo Itoobiyaan ah bishan Agoosto lagu xiray dalkaas, kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen tahriibinta iyo ka ganacsiga maandooriye kala duwan.
Ciidamada ammaanka ee maamulka Aala Sacuud ayaa Arbacadii, xiray 15 qof oo Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyay in lagu qabtay iyagoo wada ku dhowaad 290 kiiloogaraam oo mukhaadaraad ah. Ilaalada Xuduudaha Sacuudiga ayaa sheegay in 12 ka mid ah dadkaasi lagu qabtay saddex hawlgallo oo ka dhacay gobollada Jizaan iyo Casiir, halka saddex kalena lagu xiray gobolka Riyadh.
Laamaha Booliiska ayaa sheegay, in tan iyo 2-dii bishan Agoosto ay fuliyeen sagaal hawlgallo oo ka dhan ah shabakadaha caalamiga ah ee tahriibinta maandooriyaha. Hawlgalladaas ayaa lagu qabtay, marka laga reebo qaadka, ku dhowaad 33 kiiloogaraam oo ah walxo kale oo maandooriye ah iyo in ka badan 72 kun oo kaniini oo loo adeegsado in lagu daroogoobo.
Xiritaannadan ayaa kusoo beegmaya xilli hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqda Aadanaha ay walaac xooggan laga muujinayaan xaaladda dadka Itoobiyaanka ah ee ku xiran Sacuudiga, gaar ahaan dadka loo haysto dambiyada la xiriira maandooriyaha oo wajahaya xukunno dil ah.
Hay’adda lagu magacaabo Human Raytis Wooj oo sheegata iney u dooddo xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in tan iyo billowgii sanadkan uu Sacuudigu fuliyay dilka ugu yaraan 17 Itoobiyaan ah, iyada oo dilal kale la fuliyay bilihii Juun iyo Luulyo. Wararka laga helayo gudaha Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegaya in ku dhowaad 200 oo Itoobiyaan ah ay hadda ku jiraan xabsiyada lagu hayo dadka sugaya xukunka dilka.