Askar Katirsan Dowladda Iiraan oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar ka Dhacay Dalkaas.

0

Weerarkaan oo ahaa mid dhabbo-gal ah ayaa waxaa lala beegsaday askar katirsan ciidanka ilaalada xuduudaha ee dowladda Iiraan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Weerarka oo si gaar ah uga dhacay magaalada Siistaan ee gobolka Bolojistan ayaa waxaa lagu dilay hal askari oo katirsan ciidanka Iiraan, halka lagu dhaawacay mid kale.

Kamiinka ayaa beegsaday kolonyo katirsan ciidanka xuduudaha Iiraan oo ku sugnaa mandiqadda Zahdaan ee magaalada Siistaan, illaa iyo haddana majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.