Soomaalida ku Xiran Xabsiyada Liibiya oo Wajahaya Dhibaatooyin Kala Duwan.

0

Wadanka Liibiya waxaa ku xiran Soomaali badan oo wajahaya dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmayaan xukuumadda Liibiya iyo kooxaha loo yaqaan Magefaha ee dadka madaxfurashada ka qaata.

Soomaalida ee ku xiran wadankaasi ayaa waxay qaarkood xabsiga ku jiraan sanado faraha badan sida 15 illaa 20 sano, waxaana lasoo warinayaa xaalado adag oo ay wajahayaan.

Mid kamid ah hooyooyinka Soomaalida oo wiil ay dhashay uu muddo laba sano ah ku xiran yahay xabsi lagu magacaabo Jadiidyo oo ku yaalla magaalada Daraabulis ee caasimadda dalka Liibiya, ayaa warbaahinta la hadashay iyada oo ay ka muuqato murugo farabadan, waxayna ka hadashay dhibaatada ay wajahayaan wiilkeeda iyo wiilal Soomaaliyeed oo kula xiran xabsiga.

Dhanka kale Dowladda Fedaraalka gaar ahaan safaaradeeda ku taalla Liibiya ayey tilmaamtay ineysan waxba u qabanweysay.

Soomaali badan ayaa ku dhibaateysan dalka Liibiya kuwaas oo qaar badan oo kamid ah ay gacanta ugu jiraan kooxaha loo yaqaan Magefayaasha.

Leave A Reply

Your email address will not be published.