Dibad-baxyo Rabshado Wata oo ka Dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Nerobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ku waramaya, in sacadihii la soo dhaafay magaaladaasi ay ka dheceen dibadbaxyo rabshado wata oo aad u xooggan, kuwaas oo ay dhigayeen qaar kamid ah ganacstada iyo shacabka magaalada.
Dibadbaxyadaan ayaa waxa ay yimaadeen, kadib markii ay ganacsatada sheegeen in ay ka soo horjeedaan lacagaha canshuurta ah ee lagu kordhiyay badeecadaha ay kala soo dagaan garoonka diyaaradaha ee Joma-kenyaata, iyo dekedda magaalada Mombaasa.
Booliska Dowlada Kenya oo isku dayay in uu xakameeyo dibadbaxyadaan rabshadaha wata, ayaa waxa uu adeegsanayay sunta dadka ka ilmeysiisa, balsa kuma aysan guuleysan in ay kala eryaan dibad-baxayaasha.
Ganacsatada dhigaya dibadbaxyadaan ayaa waxaa ka mid ah kuwa Soomaaliyeed, waxaana xilliga ay dibadbaxyada dhacayeen al-baabada loo laabay inta badan goobaha ganacsiuga, iyadoo laga cabsi qabo in ay dhac iyo billiqo geeytaan kooxo burcad ah oo dibad-baxyada qeyb ka ah.
Wararka ayaa tilmaamaya ain ay jiraan dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah dadka dhigaya dibad-baxyada, iyadoo kuwa badan xabsiga loo taxaabay, sida ay sheegeen booliska Magaalada Neyrobi.
Ganacsatada iyo guud ahaan shacabka magaalda Neyroobia ayaa waxa ay marar badan sidaan oo kale u dhigeen dibad-baxyo looga soo horjeedo go’aamada dowlada Kenya ee ku aadan kordhinta lacaga canshuuraha ah.