Madaafiic Lagu Garaacay Mubaarak oo ay Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqdeen 10 Askari.

0

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan oo khasaare dhaliyay waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose, kuwaas oo lala beegsaday askarta shisheeye ee Uganda iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.

Saacadihii lasoo dhaafay, guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen, mid kamid ah xerooyinka ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin gobolka Sh/hoose.

Xerada madaafiicda lagu weeraray ee ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa ku taalla deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas Dowladda Fedaraalka looga dilay ugu yaraan afar askari, halka looga dhaawacay lix kale.

Isla Sh/hoose, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen, mid kamid ah saldhigyada ay ciidamada shisheeye ee Uganda ku leeyihiin gobolkaas.

Weerarkaan oo dhacay aroornimadii hore ee saakay ayaa lagu qaaday, xerada askarta Uganda ay ku leeyihiin degmada Jannaale ee Sh/hoose.

Wali ma aanan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha ciidanka shisheeye ku gaaray weerarkaas.

Howlgalladaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan dagaallo iyo weeraro kala duwan oo ka dhacay duleedyada deegaanka Mubaarak iyo degmada Jannaale ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar badan oo katirsan shisheeyaha Uganda iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.