Dhalinyaro Soomaali ah oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Dalka Koonfur Afrika.

0

Habeenkii xalay waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacay weerar ay geysteen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, kaas oo lagu beegsaday dhalinyaro Soomaaliyeed islamarkaana sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ay geysteen burcadda ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay magaalada Pretoria ee caasimadda Koonfur Afrika, waxaana lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Cabdiqafaar.

Burcadda Koonfur Afrikaanka ah ayaa waxay sidoo kale dhaawaceen muwaadin labaad oo lagu magacaabo Goobe, kaas oo loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.

Mid kamid ah Soomaalida ku sugan dalka Koonfur Afrika oo isbitaalka tagay ayaa ka warbixinaya qaabka ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarka.

Dalka Koonfur Afrika waxaa wali si xooggan kaga soconaya weerarada wuxuushnimada ah ee ay geysanayaan buracdda u dhalatay dalkaas ee ay ku beegsanayaan dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee soo galootiga ah ku ah dalkaas, wuxuuna dilkaan kusoo aadayaa iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay dalkaan ka socdeen mowjado weeraro ah iyo naceyb ka ah dadka aan u dhalan Koonfur Afrika.

Leave A Reply

Your email address will not be published.