Shil dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay deggaan ka tirsan gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, halka qof kalena uu dhaawacmay, ka dib shil gaari oo shalaya laga soo calaamadiyay laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Labad qof ee shilka ku dhintay ayaa ahaa gabdho walaalo ah, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Aamino Maxamed Dheeg iyo Bushro Maxamed Dheeg.
Sidoo kale qofka saddexaad ee shilkan ku dhaawacmay ayaa lagu sheegay in uu yhay Aabaha dhalay labada gabdhood, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Dheeg.
Shilkan baabuur ayaa dhacay aroornimadii hore ee shalay, wuxuuna si gaar ah uga dhacay meel u dhow deegaanka Cawsane ee gobolka Sanaag, burbur soo gaaray gaariga maanta shilka galay ayaa sawirkiisa lagu baahiyay baraha bulshada.
Si rasmi ah looma shaacin sababta keentay shilkan baabuur, wuxuuna ka mid noqonayaa shilalka gaadiidka ee ka dhaca waqooyiga Soomaaliya ee khasaaraha nafeed iyo midka maaliyadeed gaysta.