Cabsi laga muujiyey xaaladda kala-guur ee la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.
Warbaahinta waddanka Kenya ay saacadihii lasoo dhaafay si weyn u tebinaysay walaac aad u xooggan oo ay sheegeen inuu dul-hoganayo xukuumadaha Nairobi iyo Addis Ababa, kadib diyaar-garowga bixitaan ee uu bilaabay xafiiska UNSOS ee Soomaaliya.Shabakadda Pulse Kenya oo fadhigeedu yahay Nairobi ayaa tilmaantay in xaaladda kala-guurka ee ka taagan Soomaaliya ay isu beddelayso walaac goboleed, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya, maadaama laga cabsi qabo in uu daciifo cadaadiska lagu hayo Al-Shabaab.
Warbixin shabkaddani ay baahisay shalay ayay ku sheegtay in Kenya iyo Itoobiya ay si dhow ula socdaan xaaladda Soomaaliya, maadaama isbeddel ku yimid joogitaanka ciidamada shisheeye xilli weli la loodin la’yahay jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Waxyaabaha walaaca gaarka ah dhaliyey ayay warbixintu ku sheegtay, in kooxda itaalka daran ee Villa Soomaaliya lagu cadaadinayo in mas’uuliyadda amnigeeda ay la wareegto xilli dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu weli uu socdo oo uusan dhammaan.
Sida ay ka dhawaajisay warbixintu, Kenya laftarkeeda waxaa kasoo yeerara digniinno la xiriira dhinaca xad-beenaadka, kadib markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay bilihii u dambeeyey sii laba-jibbaareen hawl-gallada ay ka fuliyaan gobollada NFD iyo Lamu.
Itoobiya ayay sidoo kale warbixintu sheegtay inay wajahayso khatar la mid ah, maadaama ayay tiri, kala-guurka Soomaaliya uu dhacaayo xilli adag, isla markaana kooxda Villa Soomaaliya oo fuulayo culays amni aysan qaadi karin mas’uuliyaddiisa.
“Howlgalka Midowga Afrika ee isbahaysiga AUSSOM ayaa durba wajahaya hubanti-la’aan la xiriirta maalgelintiisa iyo xawaaraha ay u socoto wareejinta mas’uuliyadda amniga…” ayaa lagu yiri warbixinta Shabakadda Pulse Kenya.
Waxa kale oo warbixintu sheegtay in qaar ka mida falanqeeyayaashu ay ka digayaan in hoos-u-dhac ku yimaaddo cadaadiska lagula dagaallamayo jihaadiyiinta, uu xoogagga Al-Shabaab siin karo fursad ay ku ballaariso howlgalladeeda.
Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayay warbixintu xustay inuu ku dhawaaqay in dowladda Uganda ay qorshaynayso inay dhammaan ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya marka la gaaro 1-da Agoosto ee 2027, taasoo ka dhigan soo afjaridda hawl-gal socday ku dhawaad 20 sano.
Si kastaba ha ahaatee ayay tiri warbixintu, jadwalkan weli si rasmi ah umay xaqiijin dowladda Uganda. Iyadoo bixitaankeeda la qorsheeyay uu hubanti-la’aanta ku sii kordhin karo caqabadaha ka jira kala-guurka amni ee Soomaaliya.