Wargeys sheegay walaac xooggan oo hareeyey dalalka la deriska ah Soomaaliya.

0
Wargeyska Kenya ee The EastAfrica ayaa sheegay in dalalka deriska la ah Soomaaliya uu kusii kordhayo walaaca iyo niyad-jabka ay ka qabaan hannaanka iyo marxaladda kala-guurka, kadib fashilka ku yimid hawl-galka AUSSOM.
Khubaro uu wargeysku kusoo qaatay warbixintiisan ayaa sheegay in inkastoo kooxda Villa Soomaaliya ay ka walaacsan tahay xaaladda amni ee kusoo wajahan kaddib bixitaanka AUSSOM, haddana ay weli ku adkaysanayso inay is-difaaci doonto.
Sida warbixintu ka sanqarisay, madaxa kooxda Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo taageero ka filaya Masar iyo Turkiga ayaa kulan ka dhacay Muqdisho ka sheegay in maamulkoodu uu si adag ugu istaagi doono sugidda amniga, xittaa haddii AUSSOM ka baxdo dalka.
Maxamed Xasan, oo wargeysku ku tilmaamay dhaqdhaqaaqe bulshada rayidka ah oo Muqdisho ku sugan, ayaa sheegay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay haystaan sababo macquul ah oo ay uga walaaci karaan xaaladda dalka.
“Kenya iyo Itoobiya ayaa Soomaaliya la wadaaga xuduudda ugu dheer marka la isku daro, sidaas darteed waxaa jira sabab kasta oo ay madaxda labada dal uga walaacaan amniga iyo xasillooni-darrada siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu Xasan u sheegay wargeyska The EastAfrican.
Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Xasasn uu sidoo kale walaac ka muujiyey wareejinta ciidamada Itoobiya ee mas’uuliyadda saldhigga magaalada Burhakaba ee gobolka Baay, oo qiyaastii 180 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, werwerka amni ee dul-hoganaya dalalka deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya ayaa imanaya xilli uu burbur qarka u saaran yahay hawl-galka AUSSOM, isla markaana Maraykanku sheegay in dhammaadka sannadkan joojinayo taakuladii saadka ee duullaanka Soomaaliya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.