Soomaali Badan oo ku Xiran Xabsi ku Yaalla Gobolka Eastern Cape ee Dalka Koofur Afrika.
Mid kamid ah hogaanka jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Eastern Cape oo kamid ah wadanka Koonfur Afrika ayaa booqday xasbsiga ugu wayn gobolkaas oo ay ku xiran yihiin Boqolaal qof oo Soomaali ah.
Wuxuu sheegay inuu tiro laba jeer ah booqday xabsigaas maalmihii la soo dhaafay, islamarkaana halkaasi kula kulmay mid kamid ah Soomaalida ku xiran xabsigaas.
Wuxuu ninkan ka tirsan hogaanka Jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaas sheegay isagoo soo xiganaya ninka Soomaaliga ah ee uu kula kulmay xabsiga, in jeelkaas weyn ay ku jiraan in ka badan 200 ruux oo Soomaali ah.
Ninka uu la kulmay ayuu sheegay in loo xiray inuusan haysan ogolaasho uu ku joogo wadankaas, wuxuuna xusay in Soomaalida ku xiran halkaasi ay wajahayaan dhibaato.
Soomaalidii tegay Koonfur Afrika ayaa uqeybsamay wax la dilay la dhaawacay, kuwa ka cararay dalka, qaarka jooga iyagoo wadanaha farta ku haya iyo kuwa xabsiyada ku jira.