Ganacsade Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Gudaha Dalka Kenya.
Wararka inaga soo gaaraya dalka Kenya ayaa ku waramaya, in saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalkaasi lagu dilay ruux Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed.
Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay magaalo lagu magacaabo Kilgoris oo ka tirsan gobalka Narok oo dhaca koonfur-galbeed dalka Kenya.
Xogaha la xiriira dalkan ayaa tilmaamaya, in kooxa hubaysan oo lagu tilmaamay burcad ay ganacsadahani ku hortoogteen dukaan ganacsi oo uu magaaladaasi ku lahaa.
Wax faahfaahin ah kamaanan halin sababta kooxahaasi u toogteen ganacsadaha iyo in la dhacay dukaankiisa iyo in kale.
Horay sidaan oo kale waxaa dalka Kenya uga dhacay dilal loo geystay Soomaalida, iyadoo guud ahaanba dalkaasi ay ku badan yihiin kooxaha geysanaya dhaca iyo dilalka bareerka ah.