Waxaa Isa Soo Taraya Gumaadka ay Xuutiyiintu ku Hayaan Shacabka ku Dhaqan Dhulka ay Ka Taliyaan.
Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka taliya qeybo kamid ah wadanka Yaman ayaa gumaad joogto ah ku haya dadka rayidka ah ee ku dhaqan dhulka ay ka arrimiyaan ee wadanka Yaman.
Gaboodfallad iyo xadgudubyada ay ku hayaan dadka shacab ah ayaa isugu jira noocyo kala duwan oo kamid yihiin afduub iyo tacdiib ka dhex dhaca xabsiyada ay gacanta ku hayaan.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhintay nin shacab ah oo muddo shan bilood ah u xirnaa maleeshiyaadka Xuutiyiinta, kaas oo la sheegay in geeridiisa ay sabab u tahay tacdiib uu kala kulmay Xuutiyiinta intii uu ku jiray xabsigooda.
Wararku waxay sheegayaan in ninkan shacab ah isagoo xanuunsan ay maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo horay u afduubtay iska soo daayeen markii xaaladdiisu kasii dartay, kadibna la geeyay isbitaal maalmo dabadeedna halkaasi uu ku geeriyooday.
Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa lagu yaqaannaa gumaadka dadka shacabka ah, waxayna horay xasuuqeen dad badan qaar kale way dhaawaceen.
Dhawaan duqeymo ka dhacay wadanka Yaman waxay Xuutiyiintu ku dileen dad rayid ah oo ka kooban dumar iyo caruurta.